U bood dhigaalka

Kenya Oo 9 Helicopter U Soo Iibsatay La-dagaalanka Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Dowladda Kenya ayaa la sheegayaa in 9 helicopter ay ka soo iibsatay Imaaraadka si adkeeyo amnigeeda  gaar ahaan la-dagaalanka Al-shabaab. Wasiirka gashaandhigga ayaa kula wareegtay saldhigga militari ee  Laikipia Air Base oo ku yaallo Nanyuki.

Ms Omamo  oo goobta ka hadashay ayaa sheegtay “waxaa loo adeegsan doonnaa howl-gallada, gaar ahaan raadinta, bad-baadinta, dawo qaadista iyo galbinta helicopterrada waawey”.

Fennec, waa nooca Airbus AS350, waxaa ay leedahay hal matoor, waxaa sameysay shirkadda Faransiiska ee Airbus ee diyaaradaha helicopterrada.

Waxyaabaha loo adeegsan karo waxaa ka mid ah: inay garaacdo taangiyada, dagaalka cirka ah, tageerro dhulka ah, wax qaadista, gurmadka, galbinta, waxaa kale oo ay qaadi kartaa hub iyo gataallo.

Kenya waxaa ay ku biirtay dalalka heysto  helicopterrada noocaan ah sida France, Singapore, Thailand, Australian, Brazil, Denmark iyo Imaaraadka. Diyaaradahan waxaa ay soo baxeen 1990.

Goobjoog News