U bood dhigaalka

Kenya Oo Albaabada u Laabeysa Xeryaha Qaxooti Ee Dhadhaab Iyo Kaakuma

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku xiri doonto xeryaha qaxooti ee Dhadhaab iyo Kaakuma oo ay ku nool yihiin qaxooti aad u badan.

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladdaasi ayaa lagu sheegay in go’aan lagu gaaray in la xiro xeryahan maadaama aanay muuqan dad iskood ugu laabanaya dalalkii ay ka qaxeen.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in Kenya oo ilaalsaneysa ammaankeeda, lana dagaallameysa Al-shabaab ay go’aansatey in la xiro xeryaha qaxooti ee Dhadhaab iyo Kaakuma.

Dowladda Kenya ayaa sidoo kale kala dirtay hay’adda DRA oo arrimaha qaxootiga u qaabilsan dalkaasi, taas oo ay ku sheegeen billowga qorshaha lagu xirayo xeryahan.

Xeryahan ay dowladda Kenya sheegtay inay xireyso kaliya kuma noola Soomaali ee sidoo kale waxaa ku nool dad kasoo cararay dagaallada Koonfurta Sudan iyo sidoo kale dad Itoobiyaan ah.

Goobjoog News