U bood dhigaalka

Kenya Oo Bilawday Wadahadallo Ay Ciidankeeda Ugala Baxayso Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Dowladda Kenya oo la filayo in waqtiyada soo aadan ay iskaga baxdo howlgalka midowga Afrika ee AMISOM oo ay qeyb ka tahay muddo ku siman 9 sanno.

Wargeyska Daily Nation oo soo xiga shabakada The Nation, ayaa waxa  uu sheegay in dowladda Kenya sida ugu dhaqsiyaha badan ay u bilaabayso wadahadallo ay ciidankeeda ugala baxayso kuwa nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM.

Sidoo kale wargeysku waxa uu tilmaamay in wadahadaladan ay garwadeen ka nqon doonto Monica Juma oo ah wasiirka difaaca Kenya, iyada oo madaxda midowga Afrika arrinkaasi kala xaajoon doonto.

Wada xaajoodkaan ayaa la sheegay in ujeedkiisu uu yahay in la soo afjaro sideed sanno oo ciidamada Kenya ay ku sugnaayeen gudaha Soomaaliya, iyaga oo ku joogay magaca AMISOM.

Waxaana Kenya ay aaminsantahay in haddii ciidankeeda ay la baxdo in ay yaraan doonaan weerarada uga yimaada Al shabaab.

Ciidamada difaaca Kenya ayaa gudaha Soomaaliya soo galay sanadkii 2011-kii.

Goobjoog News