U bood dhigaalka

Kenya Oo Ciidamo Badan Keentay Xadka Aan Rasmiga Ahayn Ee Ay La Leedahay Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa lagu soo waramayaa in ciidan aad u badan ay soo dhoobtay xadka aan rasmiga ahayn ee ay la wadaagto Soomaaliya, gaar ahaan dhanka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan degmadaasi oo u waramay Goobjoog News, waxay sheegeen in ciidankaan aad uga badan yihiin kuwii hore ee Kenya halkaasi u joogay.

Ciidankaan ayaa wata gaadiidka dagaalka oo ay ku rakiban yihiin hub culus, waxaana ay halkaasi ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo aan ulajeedkooda la ogeyn.

Dadka ku dhaqan degmada Ceelwaaq ayaa sheegay in cabsi badan ay soo wajahday, maadaama ciidankaan aan looga baran dhaq-dhaqaaqyo sidan oo kale ah.

Dhanka kale, ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ciidankaan ay garab siinayaan madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo loo diidey sida la sheegay inuu booqdo qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Gedo.

Kenya iyo Itoobiya ayaa ku loolamaya gobolka Gedo oo hoostaga dowlad goboleedka Jubbaland, iyadoo Itoobiya ay taageerayso DFS halka Kenya ay garabsiineyso Jubbaland.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News