U bood dhigaalka

Kenya oo Dalbatay in Dib Loo Dhigo Dacwadda Badda iyo Dowladda Soomaaliya oo Ka Biyo Diiday

Sheeko:Dalka

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda Kenya ay markale dalbatay in dib loo dhigo dacwadda badda ee u dhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya taas oo taal maxakmadda cadaaladda adduunka ee ICJ.

Wararka ayaa intaas waxa ay ku darayaan in Kenya ay ku andacoonayso in cudurka safmarka ah ee Coronavirus uu adduunka saameyn adag ku yeeshay sidoo kalane dhaqaalaheeda uu hoos u dhigay waxaana warqadda ay Kenya u dirtay ICJ ku xusnaa in qareennadeeda ay kala go’doomeen oo aysan suura gal ahayn inay kulmaan, balse hadalkaas iyo marmarsiyahaas waxaa ka soo horjeesatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo sheegtay inaysan marnaba ogoleyn in dib loo dhigo kiiskaas.

Rai’sulwasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Qadar ayaa sheegay in iyadoo dowladda garawsantahay saameynta uu caalamka ku yeeshay safmarka Coronavirus haddane dowladda federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an inaan marnaba dib loo dhigin kiiska dacwadda badda ee kala dhaxeeya Kenya isaga oo intaas ku daray in dhageysiga dacwaddaasi loo qaadi doono qaab maqal iyo muuqaal ah.

Mahdi Guuleed ayaa tibaaxay in maxkamadda Cadaaaladda adduunka ee ICJ ay sheegtay in dacwadaha inta lagu guda jiro COVID-19 ay u qaadi doonaan hab maqal iyo muuqaal ah “waa run in dunida cudurkaasi uu ka dilaacay oo maqal furan oo maxkamadda gudaheeda ahi aanay dhici karaynin, isu socodkii aanu jirin oo duulimaadyadii lagu tegi lahaa Hague aanay jirin oonay shaqaynayn oo dal walba albaabadu u xidhanyihiin. Hase yeeshee maxkamaddu waxay soo saartay in shaqadeedii ay wadi doonto habka maqalka iyo muuqaalka ahna ay dacwadaha ku dhegaysan doonto. Bishan Juun dalal dhawr ah ayaa dacwadahooda lagu dhegaysanayaa maqal iyo muuqaal, ilaa hada hal kiis ayay ku dhegaysatay, markhaatiyona way ku dhegaysatay maxkamadu maqal iyo muuqaal, markaa anaga waan ka hor nimi waan diidnay mawqifka Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa weeye in aan dacwadaas maalin dib loo dhigin, go’aankaas ayaanan u qornay maxkamada caalamiga ah ee aduunka laguna dhegaysto dacwada habka maqalka iyo muuqaalka ah ama video confrene oo ay maxkamadu hada gacanta ku hayso kana shaqaysay tijaabisayna”.

Kenya ayaa markii saddexaad dalbanaysa in dib loo dhigo kiiska dacwadda badda ee horyaalla ICJ waxaana dowladda federaalka ah ay ku dhawaaqday in Kenya ay doonayso in kiiskan lagu xaliyo meel ka baxsan maxkamadda islamarkaana waxa ay dowladda Soomaaliya intaas ku dartay in Kenya ay waddo culeys diblomaasiyadeed.

Bisha foodda inagu soo heysa ee Juun ayey maxkamadda ICJ go’aamisay inay noqoto kama dambeysta garnaqsiga la xiriira muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, walina majirto go’aan kale oo ka soo baxay maxkamadda

Goobjoog News