U bood dhigaalka

Kenya oo Gubtay Qaad Lacag Ahaan Gaaraya Rubuc Million Doolar oo Loo Soo Waday Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ciidamada badda dowladda Kenya oo howgallo roonda ah ka waday xeebta Lamu ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen labo doomood oo qaad u siday magaalada Muqdisho, waxaana ciidamada ay meel fagaara ah ku gubeen qadkaasi oo la sheegay in lacag gaaraysa rubuc million doolar uu ku qiimaysnaa.

Doomahaan siday qaadka oo gaarayay laba doon ayaa la sheegay in lagu qabtay meel xeebta Lamu u jirta 100-KM, sida uu xaqiijiyay Irungu Macharia oo ah wakiilka Kenya u qaabilsan gobalka Lamu.

Ciidamada ayaa sheegay in goobta la yiraahdo Barakuda ay ku gubeen qaadkaasi habeenkii Taladada, doomahaas ayaana damacsanaa in xeebta Jasiiro ay ka soo dajiyaan qaadkaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u mamnuucday in dalka la keeno qaadka maadaama xayiraad dhinaca duulimaadyada ah la saaray dalka, waxaana dadka ka ganacsada qaadka ay doonayaan si dhuumaalaysi ah ay ku soo galiyaan, iyada oo marar badan qaad la keenay Soomaaliya lagu gubay qeybo ka mid ah magaalooyinka dalka.

The sacks of miraa that were burnt to ashes

Goobjoog News