U bood dhigaalka

Kenya Oo Ka Digtey Weeraro Al-shabaab Ka Geystaan Mombasa Iyo Mandhera

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa waxay ka digeysaa suurtagalnimada in dagaalyahannada Al-shabaab ay weeraro qorsheysan ka geystaan magaalooyinka Mombasa iyo Mandhera.

Warbixin kasoo baxday laamaha ammaanka dalka Kenya ayaa lagu sheegay in Labo nin oo u dhashay dalkaasi kuna sugan deegaanno ay maamulaan Al-shabaab iney soo maleegayaan weeraro ka dhaca magaalooyinkaasi.

Dadka u shaqeeya dowladda iyo sidoo kale dadka shacabka ah ayaa lagu wargeliyey iney galaan feejignaan dheeraad ah, iskana ilaaliyaan cid walbo oo ay ka shakiyaan.

Al-shabaab ayaa marar badan weeraro ka fuliyey gudaha dalka Kenya, iyadoo haddane laga baqayo in weeraro xooggan ay ka dhacaan dalkaasi.

Goobjoog News