U bood dhigaalka

Kenya oo Ka Hadashay Sida Ay Ugu Jawaabeyso Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Dowladda Kenya ayaa ku tilmaantay “Arrin aan loo meeldayin” go’aanka Soomaaliya ay ku ceyrisay Safiirkeeda, una yeeratay midkeeda taasi oo bilow kale u ah dhibaato diblomaasi oo horleh oo labada dal ah.

jawaab uu ka bixiyey ceyrinta ambassador Lucas Tumbo, Xogheyaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya Macharia Kamau  ayaa sheegay in dalkiisa uu ugu jawaabi doono sida ugu haboon.

Macharia Kamau ayaa yiri“ Dhaqanka lama filaanka ah, ee aan loo meel dayin ee ay qaateen hoggaanka Soomaalida waxaa uu u baahanyahay inuu naga dego inta aanan ka hadlin”.

Xogheyaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya Macharia Kamau  oo sii hadlayey ayaa yiri “Waxaan ugu jawaabi doonnaa qaabka ugu haboon”

Soomaaliya ayaa axaddii ceyrisay safiirka Kenya Tumbo, iyada oo sidoo kale u yeertay Maxamuud Nuur Tarsan kadib markii lagu eedeeyey faragelinta Jubbaland.

Goobjoog News