U bood dhigaalka

Kenya Oo Ka Mamnuucday Kalluumeysatadeeda Xeebaha Soomaaliya U Dhaw.

Sheeko:Dalka

Kenya ayaa ka mamnuucday kalluumeysatadooda meelaha u dhaw xeebaha Soomaaliya sababo la xiriira walaac laga qabo amniga.

Taliyaha boliiska deegaanka Lamu Joseph Kanyiri ayaa sheegay in dhammaan kalluumeysatada laga joojiyey inay hawlo kalluumeysi ka fuliyaan Ras-Kambooni iyo meelo kale oo dhaafsiisan magaalada Kiunga, dhammaan goobahaas ayaa u dhaw xudduudda Kenya la leedahay Soomaaliya.

Wareysi uu siiyey wareyska Nation ayuu ku nuux-nuuxsaday Mr Kanyiri in mamnuucitaanka kalluumeysiga goobahaas ay tahay mid la xiriirta amniga iyo Qatar soo wajihi karta kalluumeysatada.

Taliyaha Lamu ayaa sheegay in meelaha u dhaw xudduudda ay ka dhaceen dhacdooyin ay ka mid yihiin dhoofinta alaabo mamnuuc ah, daroogo iyo dad sidaas-daraadeed waa in muwaaddiniintu ka fogaadaan.

Wuxuu Taliyuhu intaas ku daray inay jiraan hawlgallo lagu adkeynayo ammaanka qofkii lagu arko goobahaasna la xiri doono.

Mr Kanyiri ayaa sheegay in xannibaaddii saarneyd kalluumeysata xilliga habeennimo qeybo ka mid ah Lamu la qaaday kalluumeysatana loo ogol yahay inay kalluumeystaan maalin iyo habeen laakiin aysan u dhawaan xudduudda.