U bood dhigaalka

Kenya Oo Khasaare u Geysatay Shirkadda Hormuud iyo DF oo Cambaareysay

Sheeko:Dalka

Markii 12 aad muddo ka yar laba sano ayaa Ciidamada Kenya waxay burburiyeen xaruntii shirkadda Hormuud Telecom ee tuulada Caws-Qurun oo ku taalla gobolka Gedo.

Abaare saqdii dhexe ee habeenimadii Jimcaha 22 kii Agoosto 2019. Ciidamada Kenya ayaa u adeegsaday burburinta xarunta miinooyin xoog badan oo burburiyay dhammaan qalabkii yaallay xarunta sida Tower-kii, Laba Dab-dhaliye, BTS, Link-yo iyo dhismihii xarunta oo gabi ahaanba burburay.

Qoraal ay soo saartay shirkadda Hormuud waxaa lagu sheegay in ciimada Kenya ay horay u dileen shaqaale ka tirsan shirkadda.

Waxaa kale oo ay shirkadda sheegtay in arrintaasi ay ka hor imaaneyso qawaaniinta caalamiga ah, iyada oo ugu baaqday dowladda federaalka ah, Qaramada midoobey, AMISOM, midowga Afrika iyo hey’ado kale in dadaal u galaan joojinta weerarada.

Dhanka kale, wasiirka Wasaaradda Eng. Cabdi Canshuur Xasan oo dhacdadan ka hadlayay ayaa sheegay in weerarkan uu waxyeello weyn u geystay dhismihii iyo qalabkii xarunta shirkadda Hormuud ee deegaanka Caws-qurun taas oo saameysay ganacsiga iyo nolosha dadweynaha Soomaaliyeed ee Gobolka Gedo.

“Waxa aan ku adkaynaynaa AMISOM in ay kala qeyb qaadato dowladda Soomaaliya baaritaanka weerarradan soo noqnoqdey oo aan aaminsanahay in ay muhiim tahay in tallaabada ku habboon laga qaado cadawgan u bareeray beegsiga dhaqaalaha iyo ganacsigeena si waafaqsan shuruucda caalamiga ah” ayuu yiri wasiir Canshuur.

Wasaaradda Boostada ayaa hore ugu gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkeena gal dhammeystiran oo lagu ururiyay khasaarooyinkii naf iyo maalba lahaa ee ka dhashay weerraradaas loo geystay shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliyeed oo ay geysteen Ciidamada Kenya.

Goobjoog News