U bood dhigaalka

Kenya Oo Kordhisey Bandowgii Saarnaa Magaalada Mandhera

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa kordhisey mudada Bandowga habeenkii ah ee saarnaa magaalada Mandhera ee gobolka NFD.

Xoghayaha arrimaha gudaha Kenya joseph Nkaissaryoo la hadlay warbaahinta waxa uu sheegay in weli ay jirto khatarta Al-shabaab kaga imaaan karta dadka ku nool gobolka Soomaalida ee NFD.

Bandowga ayuu sheegay in uu Mandhera iyo deegaannada ku dhow saarnaaan doono illaa 28-ka March sanadka soo socda ee 2017-da.

Meelaha bandowga uu saarnaan doono waxaa kamid ah Mandheera, Cumar Jilicow, Carabiya,Fino, Lafey, katulo, iyo Ceel Waaq, waxaana dadka ay guryahooda ku xaroon doonaan 06:00 Maqribnimo illaa 06:00 subaxnimo.

Dowladda Kenya ayaa sanadkaan bilowgiisa waxay Bandow kusoo rogeen magaalada mandhera iyo deegaannada hoostaga magaaladaasi, kadib markii magaaladaasi ku bateen weerarada ay dagaalyahannada Al-shabaab geystaan.

Goobjoog News