U bood dhigaalka

Kenya Oo La Wareegtay Xeryo Qaxooti.

Sheeko:Dalka

Laba xero qaxooti oo loo furay inay martigeliyaan dad Soomaaliyeed oo kasoo cararay macluushii ku dhufatay dalka sannadkii 2011kii ayaa la xiray laguna wareejiyey dowladda Kenya. Kenya ayaa sheegtay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xirayo xerada qaxootiga ee Dadaab oo ah xero weyn taasoo gabbaad u ahayd qaxootiga ku dhawaad 30 sano.

Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa xeryaha la faarujiyey ku wareejisay dowladda Kenya jimcihii. Qaxootigii degganaa xeryahaas ayaa qaarkood dib ugu laabtay dalka Soomaaliya iyadoo qaarkoodna la dejiyey saddexda xero qaxooti ee kala ah Hagardera, Dhagaxleey iyo Ifo.

In ka badan 80,000 oo Soomaali ah ayaa dib loo celiyey shanti sano ee la soo dhaafay iyadoo ay jirtay cambaareyn ka imaaneysay hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha kuwaas oo sheegay in si qasab ah dadka loo celiyey.

Xoghayaha laanta socdaalka ee dalka Kenya Gordon Kihalangwa ayaa sheegay in xerada Dhadhaab ay noqotay goob amniga dalka Kenya dhaawacday islamarkaana ay lumisay inay sii ahaato goob qaxooti.

Gordon Kihalangwa wuxuu sheegay in Dhabaab ay isku beddeshay meel lagu soo maleego falal amni darro sidaas-darteedna ay dowladda Kenya sii wadi doonto dib u celinta xaqootiga kuwooda doonaya inay si iskood ah u laabtaan waqtiga ugu habboon ugu dambeynna la xiri doono xerada qaxootiga ee Dhadhabaab.

Sida ay sheegtay UNHCR xerada qaxootiga ee Dadaab waxaa deggan oo hooy u ah in ka badan 200,000 oo qaxooti ah badan koodna ah Soomaali kasoo cararay dagaallada iyo abaaraha kusoo laalaabtay Soomaaliya. Tan iyo markii dowladda Kenya ay ku dhawaaqday inay xireyso xerada Dadaab bishii May 2016, dowladda Kenya wey ka gaabineysay inay diiwaangeliso ama qaabbisho qaxooti cusub.

Sarkaal u hadlay UNHCR oo lagu magacaabo Magatte Guisse ayaa ugu baaqay in dowladda Kenya ay wax ka qabato arrinta la xiriirta qaxootiga aan la diiwaangelin ee kusoo qulqulaya xerada Dadaab. “Waxaan haynaa 15,000 oo ah dad magangelyo doon ah kuwaas oo aan la diiwaangelin kuna sugan xerada Dadaab,” ayuu yiri guise.

Xarrakada Alshabaab ayaa weerarro la beegsaneysay ciidamada ammaanka ee  Kenya iyo dad rayid ah tan iyo markii Kenya ay ciidamadeeda u dirtay Soomaaliya si ay dagaal ula galaan xarrakada Alshabaab oo ay u arkeysay inay dhibaato ku hayso Kenya.

VOA.