U bood dhigaalka

Kenya Oo Lacag Dul Dhigtay Madaxa Rag Ka Tirsan Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa lacag dul dhigtay madaxa Labo nin oo la sheegay iney ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab.

Wasaaradda amniga gudaha ee Kenya ayaa sheegtay in Labadan nin ciddii soo sheegta macluumaad lagu qaban karo nolol iyo geeri in lasiin doono lacag dhan 2 Milyan oo shilinka Kenya ah.

Raggan Magacyadooda ayaa lagu kala sheegay Axmed Saciid Cumar iyo Cali Zira, kuwaasi oo si aad ah loo baadigoobayo.

Wasaaradda ayaa shacabka Kenya ka dalbatay in si hagar la’aan ah ay ugala shaqeeyaan sidii raggan lagu soo qaban lahaa.

Dowladda Kenya ayaa sidan oo kale waxay marar badan lacag u dul saartay madaxa rag ka tirsan Al-shabaab.

Goobjoog News