U bood dhigaalka

Kenya Oo Lacag Dul Dhigtay Sarkaal Ka Tirsan Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in lacag ay dul dhigtay madaxa sarkaal ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo loo haysto in uu maleegay weeraro ka dhacay gudaha dalkaasi.

Joseph Boinnet oo ah Taliyaha Ciidamada Booliska ee Dalka Kenya ayaa sheegay in cid walbo oo warbixin ka keenta ama soo gudbisa xog ku aadan sarkaal Cabdullaahi Cabdi  Sheekh oo ka tirsan Al-shabaab la siin doono lacag dhan 2 Milyan oo Kenya Shilin ah.

Taliyaha ayaa sheegay in sarkaalkan uu ka dambeeyay abaabulka weeraro badan oo ka dhacay Kenya kana mid yahay weerarkii Lamu waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhanka kale Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha Kenya ayaa sheegay in macquul ay tahay in sarkaalkan uu ku dhuumanayo Keymaha Boni ee Kenya.

Sarkaalkaan lagu magacaabo Cabdullaahi Cabdi Sheekh ayaa kasoo muuqday muuqaallo Al-shabaab soo saareen kuwaa oo looga hadlayey weerarada Kenya.

Goobjoog News