U bood dhigaalka

Kenya Oo Laga Dalbadey Iney Faah Faahiso Xarigga Muwaadin u Dhashay Britten

Sheeko:Dalka

Dowladda Britten ayaa ugu baaqday dowladda Kenya in faah faahin dhab ah ay kasoo bixiso muwaadin u dhashay dalkeeda oo ciidanka Kenya ku xireen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Britten, ayaa Kenya ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay jawaab uga soo bixiyaan xariga muwaadinkaasi iyo sidoo kale dhab ahaanshiyaha eedeynta loo haysto.

“Waxaan ka dooneynaa Kenya iney soo cadeyso dhab ahaanshiyaha eedeynta ay u haystaan muwaadinkeena, waana inaan ogaanna haddii ay jiraan caddeymo muujinayo inuu Al-shabaab ka tirsan yahay” Afhayeenka ayaa sidaasi yiri.

Muwaadinka u dhashay Britten ee ciidanka Kenya xireen ayaa lagu magacaabaa Tom James, waxaana lala xiray Labo gabar oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo  lagu kala magacaabo Yaasmiin Sheekh iyo Samsam Xuseen.

Saraakiisha Booliiska Kenya waxay sheegeen in dadka la qabtay ay xiriir la leeyihiin Al-shabaab, una qaabilsanaayeen tabobarada iyo sidoo kale qorsita dagaalyahannada shisheeye.

Goobjoog News