U bood dhigaalka

Kenya Oo Qaxootiga Xerada Dhadhaab Ku Qasbeysa In Dalka Dib Ugu Soo Noqdaan

Sheeko:Dalka

Kenyaanka ayaa la sheegayaa in ay bilaabeen si qasab ah ay ku soo celiyaan qaxootiga Soomaaliyed ee ku jira xerada Dhadhab, arrintaas oo ka hor imaaneysa dhowrista xuquuqda aadanaha.

Kenya oo dooneysa in ay bannaeyso xeradaas ayaa dad badan waxaa ay ku qasbeysaa in ay ku laabtaan Soomaaliya, taas oo ka hor imaaneysa xuquuqda aadanaha sidaa waxaa Isniinta sheegtay hey’adda Norwegian Refugee Council (NRC).

Hey’adda oo qeyb ka ah hey’adaha qaxootiga soo celinaya waxaa ay sheegeysaa in qaxootiga aan lagu qasbi Karin in si xoog ah ay dalka ugu laabaan.

In ka badan hal Milyan ayaa la sheegayaa in haatan ay dalka dib ugu soo laabteen, kuwaas oo ku aaday xaalad adag, in ka badan 5 Milyan ayey Soomaaliya ku heysaa gaajo iyo dhibaato kale.

Googbooj News