U bood dhigaalka

Kenya Oo Shaacisay Askartii Uga Geeriyootay Qarax Ka Dhacay Wajeer

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa waxay shaacisay tirada askartii uga dhimatay weerar qarax ah oo shalay gelinkii dambe ka dhacay magaalada Wajeer ee gobolka NFD.

Charles Owino oo ah afhayeenka Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in ay ku dhimatay weerarkaasi 8 askari oo ay saraakiil ku jiraan.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in ciidamadan iyaga oo wada howlgallo amni sugid ah miino lala eegtay gaarigii ay saarnaayeen.

“Argagaxisada ayaa qarax la eegtay ciidan Booliis ah, waxay dileen Sideed askari oo saarnaa gaari Roondo sameynayey, waxaan ku dedaaleynaa sidaan uga hortagi lahayn weerarada sidaan oo kale ah” ayuu yiri Afhayeenka.

Dhanka kale, Afhayeen Owino ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii ay u xaqiijin lahaayeen amniga deegaannada NDF, ulana dagaallami lahaayeen Al-shabaab.

Goobjoog News