U bood dhigaalka

Kenya Oo Sheegtay In Al-shabaab Qasab Ku Askareeyaan Dhallinyarada Dalkaasi

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in xarakada Al-shabaab ay si qasab ah askar kaga dhigaan dhallinyarada dalkaasi si dhankooda uga barbar dagaallamaan.

Taliyaha ciidanka Milatariga Kenya Samson Mwathethe ayaa sheegay in dhallinyarada Kenyaanka ah aanay jecleen inay la shaqeeyaan ama ay askar u noqdaan Al-shabaab balse cabsi darateed ay ugu biiraan ururkaasi waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu sheegay Taliyaha in dhallinyarada u dhashay Kenya looga baahan yahay markii ay helaan fariimo casbi gelin Al-shabaab ah in durba ay lasoo xiriiraan Booliiska bedalkii Al-shabaab noqon lahaayeen.

Sidoo kale taliyaha ayaa bulshada Kenya ku Booriyey in aysan ka baqan Al-shabaab, ka feejignaadaan fariimahooda gacan buuxdana ay siiyaan ciidanka amniga dalkaasi.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer waxay weeraro dad badan ku dileen ka filyeen deegaanno ka mid ah dalka Kenya.

Goobjoog News