U bood dhigaalka

Kenya oo sheegtay in ay dishay Shan ka mid ah dagaalyahanada Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Milatariga Kenya ayaa sheegay in ay dileen Shan ka mid ah dagaalayahanada Xarakada Al-shabaab, kuwaa oo damacsanaa in ay ka gudbaan xuduuda wadanka Kenya.

Afhayeen u hadlay Milatariga Kenya oo lagu magacaabo Bogita Ongeri ayaa warbaahinta u sheegay in Ragaan ay wateen gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ayna dileen xilli ay marayeen xuduuda dowladaha Kenya iyo Itoobiya.

Sidoo kale waxa uu sheegay Afhayeenka in ay gacanta ku dhigeen ilaa Shan jaakad oo ah kuwa loo adeegsado is qarxinta, iyo sidoo kale gaarigii ay wateen ragaasi oo uu tilmaamay inuu ahaa mid sharciyeesan.

Dhanka kale waxaa lagu tilmaamay gaariga qaraxyada saran culeyskooda inuu yahay 1000 Kilo Gram.

Dhanka Al-shabaab wax war ah kama aanay soo saarin hadalkaan kasoo yeeray dowladda Kenya ee ku aadan in la dilay dagaalyahano iyaga ka mid ah.

Goobjoog news