U bood dhigaalka

Kenya Oo Sheegtay In Duqeyn Ka Dhacday Lagu Diley Dagaalyahanno Ka Tirsan Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Wargeyska the Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa saakay waxa uu daabacay warbixin uu ciwaan kaga dhigay in ka badan 100 askari oo ka tirsan xarakada Al-shabaab ayaa la dilay markii uu Maraykanka uu weerar uu ku qaaday koofurta Soomaaliya gaar ahaan meel u dhow xerada Ceel -cadde, taasi oo xarakada Al-shabaab ay ku dileen 100 ka tirsan ciidamada Kenya oo ay weerareen sanadkii 2016-kii .

Dadka degaankaasi ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqleen madaafiic aysan aqoon halka ay  ku dhaceyso,waloow markii danbe la sheegay in ay duqeyntaasi lagu bartilmaameed sanayay xero Ciidan oo ay ku sugnaayeen Xarakada Al-shabab.

Weerarkaan ayaa la sheegay in lagu dilay 100 ka tirsan ciidamada Al-shabaab sida ay sheegeen ilo wareedyo,waxaa xusid mudan dadka la dilay ee 100-ka gaaraya inay ku jireen 20 taliye sida lagu yiri warbixinta lagu qoray wargeyska.

Dad goobjoogayaal ah  ayaa sheegay inay duqeeyeen diyaaradaha Maraykanka goob ay ku sugnaayeen ciidamo faro badan iyo taliyayaal ka tirsan Al-shabaab,weerarkaan ayaa waxa uu ka dhacay meel lagu magacaabo war-gaduud iyo Ceel-cadde labo goo boo ku kalo taallo,weerarkaan ayaa dhacay maalintii Jimcaha ahayd.

Weerarka ay ka geesteen diyaaradaha Maraykanka koofurta Soomaaliya ayaa waxay ku soo beegmaysaa xilli madaxweynaha Maraykanka uu sheegay in Maraykanka uu duqeymo uu ka geesan doono Soomaaliya gaar ahaan meelaha ay ku xoog badanyihiin Alshabaab.