U bood dhigaalka

Kenya Oo Sheegtay Iney Dishay Dagaalyahanno Ka Tirsan Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa sheegtay iney dishay dagaalyahanno ka tirsan Xarkada Al-shabaab, kadib howlgal ay ciidamadooda ka fuliyeen gobolka Jubada Hoose.

Joseph Owuoth oo ah sarkaal u hadlay ciidamada difaaca Kenya ayaa sheegay in iyaarad nooca Helicopterka ah ee ay leeyihiin ay duqeysay dagaalyahanno Al-shabaab ah kuna sugnaa deegaan qiyaastii 17-KM u jira degmada Badhaadhe ee Jubada hoose.

Owuoth ayaa sheegay iney halkaasi ku dileen 31 dagaalyahannada Al-shabaab ah, ay qabsadeen saanad Milatari oo noocyo kala duwan leh.

Waxa uu tilmaamay Joseph Owuoth, in ay heleen xog ku saabsan dagaalyahannada Al-shabaab oo ku sugnaa saldhig halkaasi ku yaalla, wuxuuna hubka ay qabteen ku sheegay iney ku jireen 11 qori AK-47 Ah, Labo xabad oo kuwa Taangiyada ah, Miinooyin, Darees ciidan iyo qalab isgaarsiin waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhanka kale, xarakada Al-shabaab weli wax war ah kama aaney soo saarin sheegashada dowladda Kenya ee ah iney dishay dagaalyahanno Al-shabaab ah.

Goobjoog News