U bood dhigaalka

Kenya Oo Sheegtay Iney Dishey Dagaalyahanno Ka Tirsan Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa sheegtay iney dileen dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab kadib howlgallo ay sameeyeen ciidamada dalkaasi.

Lt. Col. Paul Njuguna oo ah afhayeen u hadlay dowladda Kenya ayaa sheegay in  ciidamada Kenya howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Haluuqa ee dalkaasi ay ku dileen 4 ruux oo la aaminsanyahay iney ka mid ahaayeen Xarakada Al-shabaab.

Waxa uu tilmaamay afhayeenka in dadkan ay dileen ay la dagaallameen ciidamada Kenya oo deegaanka Haluuqa ka wadey howlgallo amniga lagu xaqiijinayey.

“Waxay la dagaallameen ciidamada ammaanka, dagaal kooban kadib waxaa lagu guuleystay in la diley Afar kamid ah Al-shabaab” ayuu yiri Afhayeenka.

Sidoo kale Korneel Njuguna ayaa sheegay iney baxsadeen dagaalyahanno kale oo ka tirsan Al-shabaab, islamarkaana ay haatan ku raad joogaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhanka Al-shabaab kama aaney hadal sheegashada dowladda Kenya oo ah in gudaha dagaalkasi ku dileen dagaalyahanno kooxda ka tirsan.

Goobjoog News