U bood dhigaalka

Kenya Oo Sheegtay Iney Dishey Rag Ka Tirsan Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa sheegtay iney dishey rag ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab, kuwaasi oo muddo badan la baadigoobayey.

Sarkaal u hadlay waaxda la dagaalanka waxa loogu yeero argagaxisada ayaa sheegay in howlgallo ay ciidanka Kenya ka sameeyeen gudaha dalkaasi iyo Koonfurta Soomaaliya lagu diley rag kamid ah 5 nin oo horey madaxooda lacag loo dul dhigay.

Ma aanu sheegin sarkaalkan tirada ragga ay dileen iyo sidoo kale magacyadooda intaba.

Sidoo kale sarkaalkan ayaa tilmaamay in dilista raggan ay sahlanaatay kadib markii ay lacag badan dul dhigeen islamarkaana dad ka faa’ideysanaya fursadahaasi ay macluumaad usoo gudbiyeen booliiska Kenya.

Dowladda Kenya ayaa lacag dhan 2 Million oo lacagtooda ah dul dhigtay 5 nin oo ka tirsan Al-shabaab, kana soo jeeda dalkaasi.

Goobjoog News