U bood dhigaalka

Kenya Oo Shuruudo Kale Ku Xirtay DFS

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa waxa a soo bandhigtay Saddex qodob oo ah shuruud ay ku bahdileyso Soomaaliya, kadib jawaabtii ay dowladda federaalka siisay dowladdaasi.

Qodobadan oo ay baahiyeen warbaahinta dalka Kenya ayaa waxa ay kala yihiin:

  • In Soomaaliya ay ka noqoto qeybo ka mid ah sohdinta dalkeeda oo ay sheegeen in Soomaaliya ku suuqgeysay 7-dii bishan magaalada London
  • In Soomaaliya ay ogeysiiso dhammaan shirkadihii baayacay xirmooyinkii dhulka shidaalka in aysan Soomaaliya dhulkaasi lahayn
  • In Kenya ay rabto wadahadal Labada dal ah in lagu xalliyo muranka badda iyadoo laga leexanayo maxkamadda caalamiga ah

Hadaba dowladda Kenya ayaa u muuqata mid weli ku taagan boobka ay ku hayso dulka Soomaaliyeed bad iyo bariba.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hab diblomaasiyadeed ugu jawaabtay Kenya, iyadoo hadalka dowladda saldhig u yahay in marnaba aan gor gortan laga galeyn dhulka Soomaaliyeed.

Goobjoog News