U bood dhigaalka

Kenya Oo War Ka Soo Saartay Go’aankii Guddiga Xaqiiqa Raadinta

Sheeko:Caalamka

Dowladda Kenya ayaa war ka soo saartay Go’aankii ka soo baxay guddig xaqiiqa raadinta xalka xuduudda dowladaha soomaaliya iyo kenya .

Wasaaradda Arimaha dibadda dowladda kenya ayaa soo dhaweeysay qoraalka guddiga , iyagoo sheegay in ay keenya ay guddiga u gudbisay warbixino xaqiiqo ah sida ku cad warka wasaaradda arimaha dibadda Kenya.
Kenya ayaa sidoo kale sheegtay in xaaladda xadka ay sii xumeeysay kadib markii ay soomaaliya jartay xiriirkii diblomaansiyasdeed ee labada dal , Sanadkii hore 2020.

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta dhankeeda si cad uga hor timid go’aanka guddiga xaqiiqa raadinta khilaafka xadka labada dal ee salka ku haya ciidamo ay sheegtay Kenya ay ku hubeeyneyso gudaha xadka.

Dowladda kenya ayaa horay gaashanka ugu daruurtay in aysan waxba ka jirin eedeynta dowladda Soomaaliya ee ku aaddan jabhadda Mandheera lagu hubeyay ee sheegtay dowladda Soomaaliya