U bood dhigaalka

Kenya Oo Xabsiga Dhigtay Afar Nin Oo Soomaali Ah.

Sheeko:Dalka

Saddex muwaaddin oo Kenyan ah iyo nin la tuhunsan yahay inuu yahay murashax madaxweyne oo Soomaali ah ayaa lagu xiray magaalada Nairobi  Khamiistii iyadoo looga shakisan yahay falal argagixisanimo.

Ibrahim Kassim Farah, Mohamud Mohamed Bashir, Ali Abdi Mohamed iyo Hussein Hassan Muhammud ayaa arbacadii lagu xiray agagaarka Muguga ee deegaanka Kiambu. Ibrahim Kassim ayey kasoo qabteen gurigiisa oo ku yaalla deegaanka South C boliiska la dagaallama argagixisada kaddib markii ay heleen xog ku saabsan Ibrahim.

Afartaan eedeysane ayaa kasoo muuqday maxkamad si loogu qaado dambiyada loo heysto. Maxkamadda ayaa sheegtay in raggaan xabsi lagu sii heyn doono muddo afar maalmood ah si baareyaasha ay u sii wataan baaritaankooda.

Baareyaasha ayaa shaaca ka qaaday in afarta nin ay ku lug lahaayeen heshiisyo aan wali la caddeyn oo ku aaddan doorashooyinka guud ee Soomaaliya si ay halkaas uga faa’iideystaan waxaana jira shaqsiyaad kale oo arrintaan ku lug leh kuwaasoo aan wali la soo xirin.

Ibrahim Farah ayaa la tuhunsan yahay inuu haysto basaboor Jabuutiyaan ah, aqoonsiyo guddi doorasho, 4 Mobile, shahaado aqoonsi ah iyo afar kaar aqoonsi oo Kenyan ah kuwaaso midab leh.

Dacwadda raggaan lagu soo oogay ayey Maxkamaddu sheegtay inay dib kasoo faahfaahin doonto.