U bood dhigaalka

Kenya Oo Xireysa Xerada Qaxootiga Dhadhaab

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in gabi ahaanba ay dhowaan xireyso xerada qaxootiga Dhadhaab oo ah midda ugu weyn ee xeryaha qaxooti caalamka, waxaana ku nool kumanaan qof oo u badan Soomaali.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AFP, dowladda Kenya ayaa dooneysa in bisha August ee sanadkan 2019 dooneyso iney gabi ahaamba albaabada isugu dhufato xeradan.

Caddeymaha ay heshay AFP ayaa sidoo kale sheegaya in Kenya ay dooneyso in si hoose usoo gabagabeyso xeradan, maadaama horey u jirtay ballanqaad ahaa in aan dadka lagu qasbin ku laabashada dalkooda.

UNHCR ayaa horey waxay u sheegtay in mar walbo diyaar u tahay sidii ay dowladda Kenya uga caawin lahayd dib u celinta dadka deggan xeradan iyadoo aan wax qasab ah lagu dayeen.

Waxyaabaha ay UNHCR ballanqaadday waxaa ka mid ahaa in dadkaasi qaarkood dal Saddexaad la geyn doono, halka kuwo kalena dib u dejin loogu sameyn doono gudaha dalka Kenya.

Kenya ayaa ku andacooneysa in xerada Dhadhaab ay hoy u noqotay Al-shabaab, islamarkaana si amniga dalkeeda u xaqiijso u xireyso.

Sanadkii 2016 ayeey ahayd markii ay Kenya sheegtay in ay xireyso xeryaha Dhadhaab, taasi oo hadalhayn badan dhalisay.

Goobjoog News