U bood dhigaalka

Kenya Oo Xireysa Xerada Qaxootiga Ee Dhadhaab,  August Sanadkan

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa qorsheyneysa iney xirto xerada qaxootiga ee Dhadhaab bisha August ee sanadkan. Waa xero qaxooti midda ugu weyn caalamka, waxaana ku jira in ka badan 230,000 oo ah qaxooti Soomaaliyeed.

Sida ku qoran Document la helay, Kenya waxaa ay ogeysiis u dirtay hey’adda qaxootiga ee UNHCR, iyada oo ka codsatay iney bilowdo sidii qaxootiga dib u dejin loogu sameyn lahaa halka hey’adda ay ugu jawaabto iney kala shaqeyn doonto Kenya sidii dadkaasi ay dalkooda dib ugu noqon lahaayeen si ikhtiyaar ah.

Qorshaha waxaa ka mid ah in qaxootiga loo helo dal kale oo marti-gelin kara ama in loo raro meel kale oo Kenya ah. Dhadhaab waxaa la furay 1991-dii, waxaa ku jira qaxooti u badan Soomaali. Kenya waxaa ay ku dhawaaqdey iney xireyso 2016-kii, waxaa sidoo kale jiray dad si iskood ah Soomaaliya ugu soo laabtay.

Goobjoog News