U bood dhigaalka

Kenya: Si KMG Ah Ayaan Darbiga u Joojinay…April Ayaa Dib Loo Bilaabayaa

Sheeko:Dalka

Dalka Kenya ayaa la sheegayaa in ay si KMG ah u joojiyeen dhismaha darbiga xagga amniga oo ka wadeen xadka Soomaaliya, darbiga waxaa uu dherer ahaan gaarayaa 700 oo KM.

Governor-ka Mandhera Cali Roba ayaa sheegaya in uu dhismaha uu istaagay kadib markii ay  kulan la qaateen mas’uuliyiin Soomaali ah, dhanka Soomaaliya waxaa hoggaaminayey wada hadalka guddoomiyaha Gedo Maxamed Maxamud.

“Si KMG ayaan u joojinay dhismaha ka socday xadka, waxaana la sugayaa halka ay ku dambeyn-doonaan ilaa 64 guri oo ku yaallo xadka” ayuu raaciyay Roba.

Roba waxaa uu dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay faafineyso propaganda ku saabsan in dadka Soomalida ah xoog looga rarayo xadka.

Mandera County Commissioner Fredrick Shisia ayaa dhankiisa sheegaya in dhismaha darbiga dib loo bilaabi-doono bishan April, waxaa dhismaha darbiga mas’uul ka noqonaya ciidamada Kenya ee aagga ku sugan.

Darbigan oo isku xirnaan-doona Badweynta Hindiya ilaa Mandheera, waxaa lagu sameyn-doona dhowr albaab oo la isaga gudbo, waxaa kale oo lagu xeri-doonaa CCTV, si loo maamulo wax walbo oo isaga gudbaya.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta waxaa uu difaacay darbiga la dhisaayo, isaga oo sheegay in aaney dhib laheyn in labada dalka ee Soomaaliya iyo Kenya la haadaan dhowr meel oo laga galo isaga oo intaasi raaciyay in arrintan ay u fiican tahay in laga hortago khatarta.

Goobjoog News