U bood dhigaalka

Kenya: Soomaalida Dhulkooda Nabadda Ah Yaan Ku Celinaynaa

Sheeko:Dalka

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dalka Kenya Mwenda Njoka ayaa sheegay in Kenya ay ka go’an tahay inay xirto xeryaha Dhadhaab oo uu sheegay in amni darro kaga timaado.

Afhayeenka oo wareysi siiyay BBC ayaa sheegay in hadda Soomaaliya ay nabad tahay, islamarkaana qaxootiga lagu celinayo dalkooda.

Wareysiga ayaa sidan u dhacay:-

Wariyaha: Maxaad u sii waddaan weli xiridda xerada xootiga ee Dhabaab?

Mwenda Njoka: Sida wasiirka arrimaha gudaha uu sharaxay iyo weliba saraakiil badan oo dowladda ka tirsan sababta loo xirayo xerada waxay la xiriirtaa ammaanka dalka Kenya.

Wariyaha: Maxaad ula jeedaa arrintaas?

Mwenda Njoka: Waxaan ula jeedaa sanadihii ugu dambeeyey ee aan soo dhaafnay waxaa Kenya ka dhacay tiro weeraro argagixiso ah kuwaasoo si toos ah loola xiriiriyey xeryaha qaxootiga waxayna meelahaasi hoy u noqdeen argagixisada iyo weliba meelo ay ku tababartaan.

Wariyaha: Dadka qaar waxay leeyihiin waxaad marmarsiiyo ka dhiganeysaan qaxootiga kadib markii aad xakameyn weyseen argagixisada waxayna tani idiin noqotay jid fudud oo aad xerada ku xireysaan?

Mwenda Njoka: Maya runtii taas ma aha dowlad kasta waxaa xil ka saran yahay ammaanka muwaadiniinteeda taasina waa masuuliyadda ugu horreysa, waad aragtay in yurub ay u diiday qaxootiga inay galaan wadamadooda iyagoo uga shakiyey inay xiriir la leeyihiin ISIS.

Wariyaha: Ma waxaad Qatar gelinaysaa qof kasta oo Soomaali ah oo xeradaas jooga adigoo ku tilmaamaya argagixiso sida aad adigu haddaba leedahay?

Mwenda Njoka: Maya anagu sidaas ma lihin laakiin waxaan leenahay haddii aad aragto xaaladda ay ku nool yihiin ee ka jirta Dhabab waxaa uga wanaagsan inad tagaan Jubbaland halkaasoo dowladda Jubbland ay u qoondeysay meelo dib loogu dejiyo maxay u aadi la’yihiin dalkooda maxaa dhibaato ah oo ku jira inay sidaas yeelaan halkaas ayaa u wanaagsan wixii ay u baahanyihiinna ay ku heli karaan halkii ay ku noolaan lahaayeen xaalad qaxootinimo 30 sano.

Wariyaha: Laakiin ma doonayaan inay noqdaan sababtoo waxay ka diiwaangashan yihiin Kenya waxay ku noolaayeen Kenya noloshooda badankeed in badan oo ka mid ah Soomaaliya waxba kama oga Kenya ayey yaqaanaan maxaad bulshada uga mid dhigi weyseen?

Mwenda Njoka: In badan oo ka mid ah bulshada ayey ka mid yihiin mana doonayaan inay laabtaan waxaana jira kuwo ka faa’iida qaxootiga waxaa jira bulsho rayid waxaa jira NGO yo kuwaas nolol ka sameeya.

Wariyaha: Qaxootiga waxay u yimaadaan wadamada si loogu aqoonsado qaxootinimo ma aha oo keliya inay qilaaf ka ordayaan iyo dhibaato taasina waa sababto qaxootigu aysan u dooneyn inay dib ugu laabtaan meelihii ay kazoo carareen ?

Mwenda Njoka: Meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya waa la xoreeyey waana ammaan mana geyneyno qeybaha ammaan darradu ka jirto laakiin goobaha ku yaalla Jubbland ee loo qoondeeyey waa ammaan aad ayey ammaan u tahay.

Wariyaha: Waxaan la hadlay qof la shaqeeyaha qaxootiga wuxuuna ii sheegay in dowladda Kenya gaar ahaan wasiirka arrimaha gudaha uusan fahansaneyn qaxootiga iyo dhibaatooyinka ay wajahaan meysan ahayn arrin la idinla xiriirin karo?

Mwenda Njoka: Waxaan ku dhex jirnay arrimaha qaxootiga 25kii sano ee ugu dambeysay wax badan ayaana ka fahansanahay marka kaasi waa qof aan la socon sida anagu aan wax u fahmeyno.

Wariyaha: Marka maxaad rajeyneysaan maxaa qorshe ah oo socda November waa marka ay bilaabaneyso inay dib u laabtaan qaarkoodna waaba bilaabeen inay dib u noqdaan goorka ayaad fileysaan inaad gebi ahaanba xirtaan xerada?

Mwenda NjokaQaarkood waaba laabteen xeradana waxaa la xirayaa dhamaadka sanadka.

Waxaa Tarjumay: Bashiir Maxamuud Wehliye

Goobjoog News