U bood dhigaalka

Kenya: Waa Diyaar Istaraatiijiyadii aan uga bixi laheyn Dalka Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Mid ka mid ah senatoradda dalka Kenya oo kulan aan rasmi aheyn oo looga hadlayey arimaha amaanka uga qeyb galay kamukunji ayaa sheegay in Kenya ay gacanta ku heyso Istaraatiijiyadii Ciidamadeeda looga saari lahaa dalka Soomaaliya.

Senator-ka waxaa uu intaa raaciyay in Saraakiishii halkaas joogtay ay ka gaabsadeen wax faahfaahin ah balse waxaa ay sheegeen in Istaraatiijiyadda ay ciidankooda ugala soo baxayaan Soomaaliya ay mar walba jirtay.

Saraakiisha Amaanka ee kulanka kasoo qeyb gashay waxaa ay carabka ku adkeeyeen in Ciidankooda hadda uu sii joogi doono dalka Soomaaliya inkastoo mar walba Al-shabaab weerarto dalka Kenya.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Xogheyayaasha Amaanka sida Wasiirka Arimaha gudaha Nkaissery, Wasiirka Gashaadhigga Raychelle Omamo, Xogheyha Guud Monica Juma, Madaxa Police-ka  Joseph Boinett iyo ku xigeenadiisa Samuel Arachi iyo  Grace Kaindi, Waxaa kaloo ka qeyb galay agaasimaha waaxda dambi barista Ndegwa Muhoro iyo Agaasimaha hay’adda sirdoonka qaranka Philip Kameru.
Kulanka waxaa sidoo kale looga hadlo Amaanka gobolka Waqooyi bari iyo sidii looga hortagi lahaa waxa ay ugu yeeraan argigixisada.