U bood dhigaalka

Kenyatta: Lagama Laaban Karo Go’aanka Aan Ku Celinayno Qaxootiga

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in go’aanka lagu celinayo qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkiisa jooga uu yahay mid aan laga laaban Karin.

Madaxweynaha Kenya wuxuu sheegay in dib u celinta ay billaabatay wuxuuna ugu baaqay bulshada caalamka inay kala shaqeeyaan Kenya sidii ay u xaqiijin lahayd dib u celinta qaxootiga.

“Tillaabada ay qaadday Kenya ee lagu celinayo qaxootiga ma aha in si qaldan loo fasirto mana aha mid aan isaga indha tireyno waajibaadka caalamiga ah” ayuu yiri Uhuru Kenyatta isagoo intaas ku daray in Kenya ay martigelisay qaxootiga wadamada deriska in ka badan Labaatan sano.

Madaxweyne Uhuru Kenyata wuxuu carrabka ku adkeeyey in aragtiga lagu celinayo qaxootiga ay qeyb ka tahay xasilinta dalka Soomaaliya isagoo ugu baaqay dhammaan xubnaha Qaramada Midoobay inay siiyaan tageero.

Madaxweynaha wuxuu sheegay in tirada sii badaneysa ee qaxootiga ay keentay in kheyraadkii dabiiciga ahaa ee dalka sida biyaha iyo daaqsita ay ka baaba’een goobaha dadkaasi ay degeen taasoo keentay inuu ka dhasho qilaafka ka jira gobolka.

Wuxuu intaas sii raaciyey in qaxootigu uu yahay masuuliyad la wadaago bulshada caalamkuna ay gudato waajibaadkeeda ayna ka taageerto Kenya sidii ay u xaqiijin lahayd dib u celinta qaxootiga sida ugu wanaagsan.

Goobjoog News