U bood dhigaalka

K/galbeed: Khasaare Ayaan Gaarsiinnay Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka K/galbeed ayaa sheegay iney khasaare soo gaarsiiyen dagaalyahannada Al-shabaab oo ay kula dagaallameen gobolka Baay.

Guddoomiyaha degmada Berdaale ee gobolka Baay, Cali Cadow oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in Al-shabaab la gasriiyey khasare xooggan kadib dagaalkii ka dhacay deegaanka Awdheegle.

Wuxuu sheegay gudoomiyaha in ciidamada dowladda iyo kuwa K/galbeed ay weerar ku qaadeen deegaankaasi oo Al-shabaab uu sheegay iney ku dhibayeen dadka shacabka ah.

Wuxuu tilmaamay in hadda degaanka Awdheegle ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa K/galbeed.

“Ciidamada dowladda iyo kuwa K/galbed ayaa qaadey weerar, kadib markii loo adkeysan waayey dhibaatada ay nabad iyo nolol diidka ku hayeen shacabka ku dhaqan halkaasi, waxay xirteen waddooyinka waxay doonayeen iney amni darro abuuraan, balse cagta ayaa la mariyey” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhanka Al-shabaab, wax war ah kama aanay soo saarin dagaalladan ka dhacay gobolka Baay.

Goobjoog News