U bood dhigaalka

K/galbeed Oo Ammar Ku Bixisey Iney Is Diiwaangeliyaan Ganacsatada Gobolka Baay

Sheeko:Dalka

Maamulka K/galbeed ayaa ku amray ganacsatada gobolka Baay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay isku diiwaangeliyaan si loo helo isla xisaabtan dhab ah.

Xasan Ibraahim Dheg-buur, wasiirka maaliyadda maamulka K/galbeed oo saxaafadda kula hadlay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in  gacanacsatada looga baahan yahay in ugu dambeyn is soo diiwaangeliyaan 15-ka bishan Maarso illaa 1-da bisha April.

Waxa uu sheegay wasiirka in la bilaabayo qaadista canshuuraha si bulshada K/galbeed waxa loogu qabto, loona baahan yahay cid walbo oo canshuur ku waajibtay iney iska diiwaangeliso bankiga Baydhabo oo diiwaangelinta ka socoto.

“Ganacsatada waa iney isku diiwaangeliyaan muddo 15 cisho ah gudahooda, waxaan rabnaa iney is diiwaangeliyaan cid walbo oo ay ku waajibtay canshuuraha, waxaan rabnaa in dalka horumar gaaro, inaan wax u qabanno bulshadeenna, dowlad canshuur la’aan ma shaqeyn karto” ayuu yiri wasiirka.

Ugu dambeyn wasiirka maaliyadda ee maamulkaa K/galbeed Xasan Ibraahim ayaa ugu baaqay ganacsatada gobolka Baay iney u hoggaansamaan ammarkaasi.

Goobjoog News