U bood dhigaalka

K/galbeed Oo Dib u Habeynta Garoonka Baydhabo La Kaashaneysa Dowladda Talyaaniga

Sheeko:Dalka

Wasiirka Gaadiidka cirka iyo dhulka ee maamulka K/galbeed, C/laahi Aadan Black ayaa sheegay in dowladda Talyaaniga ay ka caawineyso maamulkooda dhismaha iyo qalabeynta Garonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo.

Wasiirka oo kulan la qaatay mas’uuliyiin ka socotey dowladda Talyaaniga ayaa sheegay in dib u habeyn ballaaran lagu sameynayo garoonkaasi.

Waxa uu sheegay sidoo kale in dowladda Talyaaniga qalabeyntaasi kadib ay sidoo kale tababaro siin doonto shaqaale Soomaaliyeed oo ka shaqeeya garoonkaasi.

“Dowladda Talyaaniga waxay  inoo ballanqaadey iney naga caawin doonto qalabeynta iyo dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo, annaga qeybta nooga aadan baan ka qaadan donnaa, waxaa kale oo dowladda Talyaaniga inoo tababari doontaa shaqaale Soomaali ah oo garoonka ka shaqeeya” ayuu yiri wasiirka

Garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay burburka dowladdii dhexe ee dalka aanu helin dib u habeyn ku filan, walow dowladihii dalka soo maray ay dayactiro ku sameeyeen.

Goobjoog News