U bood dhigaalka

K/galbeed Oo Shaqo Abuur u Sameynaysa Dadka Naafada Ah

Sheeko:Dalka

Wasaaradda gargaarka iyo daryeelka naafada ee maamulka K/galbeed ayaa sheegtay in shaqo abuur ay u sameyn doonaan dhammaan dadka naafada ah ee ku sugan deegaannada uu maamulkaasi ka arrimiyo.

Wasiirka wasaaraddaasi C/laahi Muuse Abukar ayaa sheegay in shaqo abuurka hadaba ay bilaabeen, islamarkaana qaarkood ay beero u sameeyeen, ceel biyoodna uga dhex qodeen.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in hay’ado ay ka haystaan ballanqaadyo ah in Sadddex gobol ay ka dhisi doonaan guryo loogu talogalay dadka naafada ah.

“Qeybaha dadka naafada ah wey kala duwan yihiin, annaga waxaan wadnaa dedaallo shaqooyin loogu abuurayo, waxaan sameennay beero qaarkood ceel biyood uga dhex qodnay, iyagaa gacanta ku haya, waxaa jira qorsheyaal lagu dhisayo guryo ay leeyihiin dadka naafada ah, marka annaga wasaaradddeenna ahmiyad gaar ah ayeey siineysaa dadka naafada ah” ayuu yiri wasiirka.

Ugu dambeyn wasiir Naafada iyo gargaarka maamulka K/galbeed C/laahi Muuse Abukar ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo cid walbo oo wax haysta iney caawiyaan dadka naafada ah.

Goobjoog News