U bood dhigaalka

K/galbeed Oo Sheegtay In Xaalad Adag Ay Soo Wajahday Beeraleyda Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in xilligaan ay xaalad adag ay soo wajahday beeraleyda gobolka Shabellaha Hoose kadib markii uu biyo yareeyey Wabiga shabelle.

Wasiirka Beeraha K/galbeed, Maxamed Xasan Fiqi oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in ay guddi kormeer ah u direen beeraleyda gobolka Shabellaha Hoose, islaamarkaana ay soo wariyeen xaalad qatar ah.

Waxa uu sheegay wasiirka in sidoo kale kulan uu degmada Afgooye kula yeeshay guddiga beeraleyda Shabellaha Hoose ayuu tilmaamay in hadda la isku raacay in la qiimeeyo khasaaraha soo gaarey beeraleyda iyaga oo guddi farsamana iska saaray.

“Xaalad adag baa ka jirta gobolka Shabellaha Hoose, beeraleyda khasaare badan bay la kulmeen, qudaartii dhan waa ay baaba’day, geed miroodkiina baaqi masii ahaan karo, markii haddii biyahii Wabiga la waayey waad la socotaan in aysan beero jirin” ayuu yiri wasiirka.

Ugu dambeyn wasiir Fiqi ayaa ka digey xaalad kale oo halis ah iney ka dhalato biyo la’aanta Wabiga Shabelle, isaga oo tilmaamay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin iney kaalin ka qaataan wax u qabashada beeraleyda Koonfur Galbeed.

Wabiga Shabelle ayaa dhowaan biyo yareeyey, meelaha qaarna biyihii waa ay ka gureen, waxayna taasi saameyn ku yeelatay noloshii dadka iyo sidoo kale tabcashadii beeraha.

Goobjoog News