U bood dhigaalka

K/galbeed Oo Taageertay Go’aankii Xulufada Sacuudiga Ee Qatar

Sheeko:Dalka

Maamulka K/galbeed ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku taageeray go’aankii dowladaha Sacuudiga iyo qaar kamid ah kuwa Khaliidka ku xayireen dowladda Qatar.

War-saxaafadeedkan ayaa ku qornaa English, waxaana lagu sheegay in warkii kasoo baxay dowladda ee ahaa in dhex dhexaad ka tahay arrinta Khaliijka uu ahaa mid aan lala tashan maamul goboleedyada dalka ka jira.

K/galbeed ayaa sheegtay in dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka ay yihiin dalal si wanaagsan xiriir ugala dhaxeeyo Soomaaaliya, waliba ah mid soo jireen ah, ayna taageerayaan go’aankii ay ka gaareen Qatar.

Waxaa qoraalka lagu yiri “K/galbeed waxaycadeeneysaa iney si wanaagsan u garab ytaaga tahay go’aaankii ay Sacudiga iyo Imaaraadka ka qaateen Qatar”

6-dii June, dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay iney dhex dhexaad ka tahay khilaafka Sacuudiga iyo Qatar.

Goobjoog News