U bood dhigaalka

K/galbeed: Shirkadaha Duulimaadka Oo Cabasho Ka Muujiyey Canshuur Kordhin Lagu Sameeyay

Sheeko:Dalka

Maamulka K/galbeed ayaa ka warbixiyey cabasho dhowaan ay muujiyeen shirkadaha diyaaradaha ee duulimaadka ka sameeya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kadib markii lacago dheeraad ah lagu soo rogay dadka rakaabka ah ee tagaya Baydhabo.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda K/galbeed Xasan Isxaaq Xasan oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in markii hore ay shirkadaha ka qaadi jireen 4% oo ah in hal qof ama Halkii Tikidh ay ka qaadaan 4 doolar oo canshuur ah, balse ay hadda ka dhigeen 10% oo ah in Tikidhkii laga qaado canshuur ah 10 doolar.

Waxa uu sheegay wasiirka in shirkadaha markii hore ay dadka ka qaadayeen 10 doolar, balse ay maamulka siinayeen 4 doolar, sidaasi darteedna maamulkooda go’aaan uu ka gaaray iney qaataan waxa shacabka Canshuur ahaanta loogu sheegay ee ah 10-ka.

“Shirkadaha waxay rakaabka u sheegi jireen in 10 doolar laga qaadayo, annagane waxay ina siinayeen 4 doolar qofkii, mar haddii tikidhkii lagu qoray 10 doolar oo canshuur ah, waxaan go’aansannay inaan lacagtaasi si sharci ah u qaadno ileen shacabka jeebkooda waa ay kasoo baxaysaaye” ayuu yiri wasiirka.

Wasiir Xasan ayaa dhanka kale sheegay in hadda arrintan ay dib u eegis ku sameynayaan maadaama ay cabasho muujiyeen shirkadaha diyaaradaha, islamarkaana laga yaabo in lacagta wax laga dhimo.

Cabashadan ma qabaan shacabka, sababtoo ah mar walbo waa laga qaadayey 10-ka doolar, balse shirkadihii la hari jirey 6% lacagta canshuurta ah ayaa hadda doonaya in qeyb kamid ah lacagtaasi loo reebo bedalkii K/galbeed wada qaadan lahayd.

Goobjoog News