U bood dhigaalka

K/galbeed: Xildhibaanno Sheegay In Mushaar Siintooda Lagu Xiray Ka Laabashada Mooshinka Ka Dhanka Ah Shariif Xasan

Sheeko:Dalka

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka maamulka K/galbeed oo kulan ku yeeshey magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegay in mushaar siintooda lagu xirey ka laabashada mooshin laga keenay madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Waxay tilmaameen xildhibaannadan in loo sheegay haddii ay doonayaan mushaarkooda ay saxiixaan warqad ay uga laabanayaan mooshinkaasi waa sida ay hadalka u dhigeene.

Xildhibaan Faysal Sheekh Cawad oo kamid ah mudahaysaashan ayaa warbaahinta u  sheegay in shaqsi ahaan isaga lacagtaasi loo soo direy, kadibna gaari lagu qaaday loona sheegay inuu ka laabto mooshinka, balse wuxuu tilmaamay markii uu arrintaasi diidey in dib looga celiyey lacagtii.

“Waxaan halkaan ka cadeynayaa in maanta lacagihii gunada ahayd ee Saddex bil naloo soo tuuray, gaari ayaa la igu qaaday, meel ayaa la i geeyey oo la i yiri mooshinka ka laabo, markii aan ka diideyna lacagtii ayeey dib iiga ceshteen” ayuu yiri xildhibaanka.

Dhanka kale, xildhibaannadan ayaa ugu baaqay dowladda dhexe iney soo farogeliso arrintaan oo ay dib u eegto lacagaha ay siiso maamulka K/galbeed.

Ka sokow sheegashada xildhibaannadan ee ah in mushaarkooda lagu xirey ka laabshada mooshinka Shariif Xasan, ma jirto ilo wareedyo kale oo arrintaan caddeynaya.

Goobjoog News