U bood dhigaalka

Khaatka Oo Saameyn Ku Reebay Dadka Ku Dhaqan Deegaannada Miyiga Ah

Sheeko:Dalka

Khaatka ayaa saameyn ballaaran ku leh dhammaan deegaannada ay Soomaalida degto inkastoo lagu kala badan yahay.

Deegaanka Balli Axmed oo ka tirsan deegaannada Miyiga ee Somaliland ayaa ka mid ah meelaha uu aadka u aafeeyay Khaatku oo xoolo badan oo dadka deegaankaasi ku nool oo ay dhaqanayeen waxay u xaraasheen deymo khaat oo lagu yeeshay, iyaga oo markii dambe dhir badan u gubay inay khaat ku iibsadaan.

Farxaan Axmed oo 72-sano jir ah ayaa u sheegay Goobjoog News in khaatka ay dhibaato ku qabaan, islamarkaana qarash badan uu ka dhameeyay.

Waxa uu tilmaamay in xoolahoodii ay iibsadeen, sidoo kalena hadda ay dhirta u jaraan si ay khaat u helaan.

“Khaatku meeshaan wuu nagu waalay, markii xoolaha dhammeynay aayaan hadana dhirtii usoo jeedsanay, waxaan cunnaa 350 kun oo kiish ayaan deegaankaan ku cunnaa sanadkiibna, waxaan u fikireynaa sidii aan khaatka isaga dhaafi lahayn” ayuu yiri Farxaan Axmed.

Deegaankan waxaa taga illaa Afar gaari oo Khaat sida, waxayna markii dambe kusoo bedashaan xoolo ama dhuxul, waxaynu weydiinnay khaat walayaasha inay dareensanyihiin dhibaatada ay deegaankaasi ku hayaan, sida uu ka jawaabayo Axmed Cismaan.

“Annaga ma jeclin warkaa waayo suuqeena ayuu xirayaa, nimanka khaatka cuna waa kuwo muddo fog nagu xiran, annagu waxaan leenahay maalintii qayila casirkiina xoolaha doona, laakiinse midka ma shaqeystaha ah annaga yaanu nagu marmarsiyoon.

Guuleed Yuusuf oo ka mid ah dadka qayila ayaa u sheegay Goobjoog News in qarash badan uu kaga baxay Khaatka,waxaana uu ku baaqay in ay dib uga laabtaan cunista khaatka.

Maxamed Cabdi isna waa Oday waayeel ah oo khaatka joojiyay, waxa uu isna inoo sheegay inuu arkay faa’ido xumo dhan walbo leh inuu yahay, uuna sidaasi isaga daayey.

Khaatka ayaa gallaaftay qarash badan oo dadka reer Miyiga haysteen, waxayna dadku yihiin kuwo og khasaaraha ay kala kulmeen khaatka.

Goobjoog News