U bood dhigaalka

Khaatumo: Cabdalle Heybe(Cago-Lule) Oo Madaxweynaha Khaatumo Sheegtay Oo La Hadlay Goobjoog

Sheeko:Dalka

Xildhibaanno ka tirsan Khaatumo oo ka soo horjeeda siyaasadda Cali Khalif Galery ayaa todobaadkan madaxweyne u doortay Cabdalle Maxamed Haybe (Cago-lule), taasi oo keentay in Buuhoodle wada joogaan labo madaxweyne oo Khaatumo leedahay, Cali Khaiif iyo Cabdalle Cago-lule.

Hadaba, Goobjoog News ayaa isku deyday in labad dhinac la xiriirto, Cali Khalif waa uu ka gaabsaday in uu nala hadlo halka wareysi aan la yeelanay Cabdalle Heybe(Cago-Lule).

Goobjoog News: Halkee Ayuu Salka Ku Hayaa Khilaafka Khaatumo?

Cabadalla Heybe (Cago-Lule: Marka hore qolo ayaa jirtay Cali Khaliif hoggaaminayo oo ka tagay Soomaalinnimada, qaatay mabaa’diida Somaliland, heshiis la galay, taas waxaa ay keentay in reer Khaatumo arrintaas ka soo horjeestaan, oo qaadacaan, laguna eedeeyo Cali Khaliif iyo kooxdiisa khiyaamo qaran, isla markaana waxaa laga qaadey mas’uuliyaddii ay umadda u hayeen.

Goobjoog News: Adiga Yaa Ku Doortay?

Cabdalla (Cago-Lule:  Baarlamaankii iyaga kalsoonida kala noqday ayaa aniga ii doortay madaxweyne KMG ah, inta shirweyne Khaatumo laga qabanayo oo madax cusub la dooranayo.

Goobjoog News: Laakin, Cali Khalif weli isaga ayaa sheeganaya Madaxweynaha Khaatumo?

Cabladda (Cago-Lule: Haa, waa sax, waa ku dheggen yahay, waa uu galgalanaa, shacabka ayaan rabin, 3 sano oo lugooyo ah ayuu nasoo mariyay, dadka ayuu iska horkeenay, cid rabto ma leh, waayo nin diiday midnimada umadda ay rabo ee Soomaaliya, Khaatumo ayuu hoos geeyay dad midnimada diidan.

Goobjoog News: Waa Maxay Qorshahaada?

Cabdalla (Cago-Lule:  Qorshaheennu waa in aan Midnimo ka miro dhalinno, oo dowladda federaalka ah hoos tagno, kama go’i karno Soomaaliya, waa in arrinkaas aan xoogga saaro, amniga xoojinno, dadkan Khaatumo waa dad midnimada Soomaaliya jecel waa halkii ay raadinta midnimada ka bilaabatay, cidna nagula jajuubi karto wax aanan rabin.

Goobjoog News: Ciidamo Garabkaada Ma Heystaa?

Cabadalla (Cago-Lule: Ciidamada waxaa kala Kala diray Cali Khalif, hadda ayaan wadnaa aasaas cusub, dhameystir ayaan ku jirnaa, waxaan rabnaa in aan sameyno ciidan Soomaaliyeed oo difaaca midnimada.

Goobjoog News: Dowladda Federaalka Ah, Maku Ogtahay?

Cabdalla  (Cago-Lule: Maya, weli xiriir lama yeelan, Isimmo ayaa jooga, Xildhibaanno Khaatumo ayaa halkaasi jooga, iyaga ayaa laga rabaa in ay dhabka ka sheegaan waxa halkan ka jira.

Goobjoog News: Khaatumo Mala Dayacay?

Cabadalla (Cago-Lule : Waa run in dowladihii hore ee Soomaaliya wax badan oo xaq ahaa ay na duudsiiyeen, raggan cusub ee madaxweyne Farmaajo iyo ra’isul wasaare Kheyre waa igala duwan yihiin kuwii hore, waa dhalinyaro wadaniyiin ah, Mabaa’diidooda ay ka muuqato Soomaalinimo, waxaan rajeynaa in ay wax badan qabtaan, yedidiillo Soomaalinnimo ayaa ka muuqata.

Goobjoog News: Maxaad baaq direysaa?

Cali (Cago-Lule : Dowladda federaalka ah, dadweynaha iyo beesha caalamka waxaan u sheegeynaa in aan rabno midnimo, qarannimo, taageersan nahay Somaliweyn, waxaan rabnaa in nala taageero, oo barnaamijyo horumarineed aan helno.

Goobjoog News,