U bood dhigaalka

Khaatumo State: Taliyaha Cusub Ee Ciidanka Xoogga Dalka Waa Nin Wax Qabad Lagu Yaqaano

Sheeko:Dalka

Maamulka khaatumo State ayaa u hambalyeeyay taliyaha cusub ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, kaasi oo shalay oo khamiis ahayd ay magacaabeen golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya.

Maxamuud Cali Faarax oo ah guddoomiyaha golaha deegaanka Buuhoodle ayaa sheegay in Khaatuma ay aad ugu hambalyaynayso taliyaha cusub Jeneraal Maxamed Aadan, isaga oo sheegay in isbedal badan uu la imaan doono.

Waxa uu tilmaamay Gudoomiyaha in Taliyaha uu yahay shaqsi aqoon dheeraad ah u leh, arrimaha ciidamada xoogga dalka, waxbadanna ka qaban kara howlaha loo dhiibay.

Jeneraal Maxamed Aadan ayaa ku dhashay gobalka Sool, waana nin muddo ku soo jiray howsha ciidanimo, isagoo wax ku soo bartay dalal ay kamid yihiin Masar iyo Ruushka.

Janaral Maxamed Aadan Axmad oo waxbrashadiisii ciidannimo ku soo qaatay kulliyadda ciidanka ee Masar, kulliyada hogaaminta ciidanka Ruushka ee Moscow iyo kulliyada dagaalka ee dalka Mareykanka.

Xilkaan waxaa horay u hayay Jeneraal Indho Qarshe oo laga qaaday, iyadoo taliyaha cusub laga sugayo isbedallo ah dhanka ciidanka iyo qaabka ay u shaqeeyaan.

Goobjoog News