U bood dhigaalka

Khabiir Mareykan Ah: Farmaajo Waa In Uu Dhisaa Ciidamo Qaran Si AMISOM U Baxdo

Sheeko:Dalka

 General Thomas Waldhauser  oo ka tirsan Marines-ka Mareykanka, hogaamiyana AFRICOM ayaa sheegaya in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo looga fadhiyo in uu dhiso ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya si ay dalka uga baxaan AMISOM.

Isaga oo ka hadlayey  xarunta  US Africa Command ee Stuttgart ayaa sheegay in bixitaanka AMISOM laga hadlayey in muddo ah, oo ay maalin iman doonto, Laakin waxaa uu intaasi raaciyay in ay ku xiran tahay sida dowladda Soomaaliya u dhisto ciidamada qalabka sida.

Arrintan ayaa waxaa ay timid kadib markii uu dalka Kenya ka bilowday muran ku saabsan joogitaanka ciidamadeeda ee dhulka Soomaaliya.

Madaxweyne Uhuru waxaa uu aad u taageersan yahay in ay ciidamada sii jiigaan tan iyo inta Soomaaliya ka dhisaneyso ciidamo awood leh halka Raila Odinga uu doonayo in hadda la saaro.

Shirkii London ee May waxaa lagu heshiiyay in Soomaaliya yeelato 18 kun oo askari, si tartiib tartiib ahi uga baxaan AMISOM dhulka Soomaaliya.

Goobjoog News