U bood dhigaalka

Khadiijo Diiriye: Bisha June Waxaa La Dhameystirayaa Qorshe Ka Tarjumaya Dhalinyarada, Dastuurkana Waxaa Lagu Darayaa Dhalinyarada Baahiyaha Gaarka Ah Qaba.

Sheeko:Dalka

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriiye ayaa munaasabad xalay lagu maamuusayey 15-ka May oo lagu qabtay Muqdisho ka sheegtay in dowladda federaalka ah ay bisha June ee sanadkan soo bandhigi doonto qorshe cad oo siyaasadeed kaas oo dhallinyarada Soomaaliyeed ka turjmaya, waxaana ku biirin doonaa dhallinyarada baahiyaha gaarka ah qaba,

“Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha waxa ay ku duuleysaa Baraamijkii Ra’iisul wasaaraha uu Barlmaanka horgeeyey, Xukkuumadda hal ku dhiggeedu yahay Nabad iyo Nolol waxa ay dooneysaa in dhallinyarada Soomaaliyeed si buuxda looga faaa’ieysto, waxaa ku howlanahay sidii aan u dhaqangelin lahayn barnamijyada loogu talogalay in loo abuuro dhallinyarada Soomaaliyeed, waxaan sidoo kale ku shaqeyneynaa aragtida madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, bisha June waxaan keeni doonnaa Qorshe cad oo siyaasadeed kaas oo dhallinyarada Soomaaliyeed ka turjmaya, waxaana ku biirin doonaa dhallinyarada baahiyaha gaarka ah qaba, Destuurkeenna waxaa ka maqan xuquuqda dadka baahiyaha gaarka ah qaba, arrintaasina waa in looga faaa’ideystaa dib u eegis Destuurka sidoo kala waa  in lagu daraa cutubka Ciyaaraha Soomaaliyeed, ayeey tiri wasiirka Dhallinyarada Soomaaliya.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriiye ayaa sheegay in aan horumar la gaari Karin haddii aaney dhalinyarada dowladda garab istaagin oo aaney ka shaqeyn nabadda, iyada oo dhalinyarada ugu baaqday in dhalinyarada noqddaan liibaanayaal lagu liibaaney.

Khadiija Maxamed Diiriiye, ayaa ugu dambeyn u mahadcelisay dhammaan guddiyadii mudada dheer ka soo shaqeeyey xuska munaasabadda 74-aad ee maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Goobjoog News