U bood dhigaalka

Khadiijo Maxamed Diiriye “Ma Jirto Lacag Naga Soo Gaartey Qatar iyo Imaaraadka, Dowladana Waxay Leedahay Miisaaniyad”

Sheeko:Dalka

khadiijoKhadiijo Maxamed Diiriye oo ah sii haya wasaaradda haweenka iyo xuquuqul aadanaha ayaa maanta mar kale ka hadashay xarigga agaasimaha guud ee wasaaradda Maxamed Cumar, kaasi oo muddo 70 saacadood wax ka badan u xiran laamaha amniga kadib dacwad ka timid Hanti Dhawrka Guud.

Khadiijo ayaa sheegtey in aanan gacan lagu heynin galkii dacwada , islamarkaasina agaasimaha iyo wasaaradaba aanan loo sheegin waxa rasmiga ah ee lagu heysto. Waxa ay wasiiraddu sheegtey in agaasimaha uu ku xiranyahay saldhigga booliska Cabdicasiis.

Waxa ay sheegtey in baarayaasha ka socda xafiiska Hanti Dhawrka Guud ay agaasimaha ugu yeereen xafiiskooda 8-dii bishan Deseembar, kadibna inta isa soo wada raaceen baaris ku sameeyey xafiisyada wasaaradda haweenka iyo xuquuqda aadanaha , gaar ahaan Machadka Drs. Qamar Aadan Cali ee wasaaradda ka tirsan, iyaga oo weeydiinaya su’aalo la xiriira baabuurkeeda, sababta hoteelada magaalada hotel ka mid ah loogu qabto siminaarada iyo waliba lacag ay wasaaradda ka heshey dowladaha Qadar iyo Imaaraadka Carrabta, taasi oo ay wasiiraddu sheegtey in aysan waxbo ka jirin.

“Ma jirto lacag naga soo gaartay dowladaha Qatar iyo Imaaraadka Carrabta, dowladana miisaaniyad ayay leedahay, shaqaalaha wasaaradda kuwa rasmiga waxa ay mushaarkooda ka qaataan bangiga dhexe iyaga oo isticmaalaya kaarkooda shaqada” ayay tiri wasiiradda.

Waxa ay intaasi ku dartey in qarashka lagu kala wado hawlaha wasaaradda oo ay ka heli jireen wasaaradda maaliyadda aysan helin illaa bishii April ee sanadkani.

“Waxaan banaanada ka maqlayaa in nalagu eedeynayo xatooyo xoolo dadweyne, taasi oo aanan waxbo ka jirin” ayay tiri Khadiijo.

Waxa ay ka cabatay in baarayaasha ay wacayaan qof kasta oo shaqaalaha wasaaradda ka tirsan ama xiriir la leh si ay u ogaadaan qof ay mar uun isku dhaceen agaasimaha, iyaga oo ugu marmarsiyoonaya in shaqaalaha wasaaradda ay ka dacwoodeen.

Waxa ay madaxda dowladda ugu baaqdey in ay soo kala dhexgalaan wasaaradda iyo Hanti Dhawrka Guud, si beey tiri ay hawsha wasaarada u kala socoto illaa inta xilka qof kale uu la wareegayo.

Ugu dambeyntii waxa ay wasiiradda soo dhaweysey wixii baaris dheeraad ah oo ay u baahanyihiin baarayaasha iyo Hanti Dhawrka Guud.

Dhageyso

 

Goobjoog News