U bood dhigaalka

Khaliif Axmed Ereg “Waxaan diyaarinay qorshe amniga wax looga qabanayo” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Wasiirka Wasaaradda Amniga Qaranka xukuumada Soomaaliya Khaliif Axmed Ereg, ayaa sheegay in ay diyaariyeen qorshe ay ku doonayaan inay wax kaga qabtaan amaanka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Isaga oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayuu tilmaamay Wasiirka, in wasaaradda ay diyaarisay qorshe cad oo wax looga qabanaayo falalka amaan xumida ah ee Magaalada ka jira.

Wasiir Ereg ayaa dhanka kale xusay in sidoo kale la diyaariyay barnaamij ay iskula shaqeynayaa shacabka Muqdisho iyo ciidamada amaanka, waxaana dhanka kale uu shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada amniga.

Dhanka kale milkiilayaasha goobaha ganacsiga ayuu u sheegay in looga baahan yahay ka digtoonaasho ku aadan gaadiidka la dhigo mehradahooda hortooda si aanay dhibaato u imaan.

Ugu dambeen Wasiirka Amiga Qaranka Khaliif Axmed Ereg ayaa tibaaxay in gacan adag ay ku qaban doonaan amaanka magaalada Muqdisho, shacabkana looga baahan yahay inay la shaqeeyaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

 

Goobjoog Fm