U bood dhigaalka

Khaliif Xaftar Oo Dib Ugu Laabtay Libya, Sheegana In Ay Wanaagsantahay Xaaladdiisa Caafimaad

Sheeko:Dalka

Khaliif Xaftar ayaa dib ugu laabtay dalka Libya sheegana in caafimaadkiisa uu wanaagsanyahay, hadalkan ayuu ka sheegay Xaftar ka dib markii uu hadal u jeediyey dad badan oo ku soo dhoweeyay garoonka magaalada Benghazi.

Xaftar ayaa ka yimid dalka Faransiiska oo lagu soo daweynayey muddo todobaadyo ah, waxaa uuna soo maray magaalada Qaahira ee caasimdda Masar hakaasi oo kulamo uu kula soo qaatay dhinaca Masar.

Xaftar ayaa beeniyey wararka la isla dhexmrayey oo sheegayay in uu geeriyooday waxaa uuna yiri “ Ma doonayo in aan ka hadlo arrintaan kumana qasbani in aan ka jawaabo waxbaaha been abuurka ah”.

Muddo laga joogo labo todobaad ayaa waxaa la waayey hadalka Khaliif Xaftar waxayna qaar ka mid ah warbaahinta gudaha Libya sheegeen in uu geeriyooday, ka hor inta aysan ka hadlin xaaladdiisa caafimaad madax ka tiran dalkiisa.

Khaliif Xaftar ayaa lagu soo daweeyay  11 bishaan dalka Faransiiska gaar ahaan isbitaal ay leeyihiin ciidamada .

Goobjoog News