U bood dhigaalka

Warbixin Ku Saabsan Howlihii Ay Imaaraadka Ka Wadeen Soomaaliya

Sheeko:Dalka, War

Muddo todobaad gudahiisa ah, waxaa isbadallo degdeg ah ay ka dhaceen xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka, go’aanno rasmi ah, qoraallo isburinaya, hadallo kicin ah iyo qaar dejin ah intaba waan aragney, taasi oo keentay in aan la xiriirno saraakiisha ay Imaaraadku tababareen, maamulka Isbitaalka Sheekh Za’id iyo wasiirka gashaandhigga ee dowladda federaalka ah.

Xiisaddan cusub waxa ay bilaabatay kadib go’aankii dowladda Soomaaliya  ay 9-kii bishan kula wareegtay lacag dhan 9.6M oo ka timid Imaaraadka Carabta, wasiirka gashaandhigga Soomaaliya oo dhahay ciidamada ay tababareen waan la wareegeynaa, Imaaraadka carabta oo dhankooda joojiyay tobabarradii ay siin jirtay ciidamada Soomaaliya, kadib wada hadal labada dal ku dhex maray Sacuudiga, wasaaradda arrimaha dibadda Somaaliya oo sheegtay in xiriirka Imaaraadka uu muhiim yahay iyo madaxweynaha Puntland Oo Imaaraadka raalli-geliyay, kana codsaday in ay sii joogaan, sheegana in aaney jirin cid noola simman ama noo badali karto.

Haddaba, qoraalkan hoose waxaan xoogga ku saari-doonnaa khasaaraha ka dhan kara haddii Imaaraadku ay  maanta ka baxaan Soomaaliya?

Tababarka Ciidamada:

Imaaraadka waxaa ay dowladda Soomaaliya u tababareen ciidamo gaaraya 2407, uuna bixiyo mushaarkooda, waxaa intaas dheer in ay fureen saddex xarumood oo tobabar .

Banaadir:  Ciidamada ay Imaaraadka tababareen weli iyaga ayaa gacanta ku haayo, waxay siiyaan jiif, cunto iyo mushaar, cuudamada waxaa ay isugu jiraan Militari, Comandos iyo Ciidamo gaar ah.

Walaaca ugu badan waa halka ay dowladda Soomaaliya ka keeni-doonto mushaarka, jiifka iyo cuntada ciidamadan oo haatan qaata lacag badan marka la barbardhigo ciidamada caadiga ah, kumana jirin miisaaniyadda ay dowladdu qoondeysay 2018-ka. 

Mushaarka Ciidamada Imaaraadku Tababareen:

Miliratiga ay Imaaraadka tababareen guud ahaan 980 askari, Dablaha waxuu qaataa $300, 2 Alifle $380, 3 Alifle $420 halka taliyaha hurinta uu qaato $450.

Comandos ay tababareen guud ahaan 328 askari, Dablaha wuxuu qaataa $470, 2 Alifle $520, 3 Alifle $570 iyo taliyaha horinta oo qaata $620.

Ciidamada Gaarka ah(Special Force) ay tababareen guud ahaan waa 62 askari, Dablaha waa uu helaa $670, 2 Alifle $740, 3 Alifle 830 iyo taliyaha horinta oo qaata $950.

Puntland:  Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Cabdiweli Gaas waxaa uu sheegay in ciidanka ay Imaaraadka u tababareen Puntland ay gaarayaan ilaa 2,000 oo ku nool Puntland oo dhan sida, Eyl, Isku shuban, Xaafuun, Daar-gaal, Qandala, Boosaaso, Ceelaanyo ilaa Laas-qoray isaga oo intaasi ku daray in ciidankaasi ay Al-shabaab kula dagaalaan dhulka sida Galgala iyo Cal-madow….ciidamadan waxaa ay qaataan in la mid ah kuwa Banaadir.

Arrimaha Caafimaadka:

Isbitaalka Sheekh Zaa’id ee Muqdisho waxaa si rasmi ah shaqaalaha loo kala diray, loona xiray shalay isniintii, April 16, 2018.

Goobjoog News oo la hadashay Dr. Saalim Nuuraani oo ah madaxa Isbitaalka waxuu sheegay in amarka kor uga yimid, loona xiray Isbitaalka Sheekh Zaa’id si kama dambeys ah.

Madaxa Isbitaalka waxaa uu intaasi ku daray in shaqaalaha Soomaalida ah ee halkaasi joogay ay dhammaayeen 40 qof oo 14 ka mid ah ahaayeen dhakhaatiir leh taqasusaaad kala duwan.

Dr. Nuuraani waxaa uu intaasi ku daray in maalin walba ay qaabili jireen 200-300 oo ah bukaanno tabar yar isla markaana sheybaarka, raajada, Ultrasound iyo daawada ay dhammaan ahaayeen lacag la’aan.

Ugu dambeyntii Dr. Saalim Nuuraani waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in la siyaasadeeyay howlo banii’aadnimo iyo in lagu gorgortamo baahi ay qabaan shacabka Soomaaliya.

Wasiirka gashaandhigga dowladda federaalka ah Maxamed Murasl oo arrintan ay Goobjoog News wax ka weydiisay, waxaa uu ka gaabsaday faahfaahin dheeraad ah, isaga oo sheegay in qalad laga fahmay hadalkiisii ahaa ciidamo ayaan la wareegeynaa.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa in ay buuxiso kaalintaas iyo wax walbo oo soo bixi kara si shacabka iyo askarta u dareemaan kalsooni iyo daryeel.

Goobjoog News