U bood dhigaalka

Khasaaraha Ka Dhashay Dagaalka Gaalkacyo Oo Sii Kordhay

Sheeko:Dalka

Magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug waxaa ka soconaya dagaal u dhaxeeyay ciidamada Galmudug iyo Puntland, iyadoo lagu soo waramayo inuu sii kordhay khasaaraha dagaalkaasi ka dhashay.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku dhintay 11 qof , waxaana ku dhaawacmay 43 qof oo shacab ah.

Agaasimaha guud ee Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Isbitaalkaasi la keenay 43 qof dhaawac ah, 5 caruur yihiin, 5 Haween ah iyo 33 rag ah.

Waxa uu tilmaamay in loo soo sheegayo dad kale oo dhaawac ah misane ku go’doonsan xaafadahooda.

Weli dagaalka ayaa ah mid socda, xilli walba waa la filan karaa in khasaaraha uu intaan kasii bato.

Dhinacayada dagaallamaya weli wax war ah kama aanay soo kala saarin, mana jirto cid dagaalladaasi kala dhex gashay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News